Dhibaatada daroogada qaadku ku hayo umada somaliyeed iyo warbixinteena maanta 08/sept/2023

in hive-109690 •  last year 

Qaadku waa mid ka mid ah maandooriyayaasha dhibaatada ba’an ku haya bulshada, dhibaatooyinkaas oo isugu jirta
MID CIBAADO, MID CAAFIMAAD, MID DHAQAALE, MID NADAAFADEED, MID AKHLAAQIYEED IYO MID DEEGANBA.

Screenshot_20230908-111245_Lite.jpg

DHIBAATOOYINKA CIBAADO EE QAADKA

Qaadku waa aafo daran taaso bulshadu ay kala kulanto dhibaatooyin badan. Qofka quuta qaadka waa qof aanu dhamaystirnayn iimaankiisu maadama uu isticmaalaayo shay diin ahaan iyo maadi ahaanba aan manfac u lahayn taas badalkeeda dhibaato weyn gaadhsiinaya. Qaadku wuxuu waxyeelo u gaystaa inuu qofku ku dedaalo waajibaadka Alle ku waajibiyey oo ay salaadu ugu horayso. Dadka qaadka quuta salaadaha ma ogaan xiligooda sido kale way ku adag tahay inay jamaca lasoo tukadaan
qaar badan oo ka mid ahna maba tukadaan.

DHIBAATOOYINKA CAAFIMAAD EE QAADKA:

Qaadku wuxu gebi ahaanba waxyeelo ba’an u geystaa caafimaadka bulshada dhibaatada ugu badana wuxuu u geystaa dadka isticmaala maandooriyaha qaadka. Qaadku wuxuu saamayn xoog leh ku yeesha habdhiska dareen wadka (Nervous system), habdhiska taranka ( reproductive system), habdhiska dheefshiidka (digestive system), habdhiska dhiig wareega (circulatory system) iyo dhammaan habdhisyada kale ee jidhka. Sido kale waxa uu hoos u dhigaa difaaca jidhka isticmaalaha, taaso dhaxalsiisa inaanu iska difaaci Karin jidhkiisu xanuuno aad u sahlan. Qaadka waxaa ku jira maadooyin badan oo caafimaadka waxyeelo ba’an u geysta kuwaaso dadka qaar dhaxalsiiya inay miyirkooda ku waayaan, ka aan miyirkiisa ku waayina wa mid mar walba u muuqda inuu daroogaysan yahay.

DHIBAATOOYINKA DHAQAALE EE QAADKA:

Qaadku wuxuu curyaamiyaa dhaqaalaha bulshada isticmaasha ama deegaanada laga isticmaalo, quutaha qaadku wuxuu ku dedaala mar kasta sidii uu kusoo xasilin lahaa lacagtii uu ku iibsan lahaa qaadka, isagoo ka doorbidaya qaadka masaariifta uu siin lahaa reerkiisa ama uu ku daryeeli lahaa naftiisa haday tahay xag nololeed iyo xag caafimaadba. Quutaha qaadku marka uu soo shaqaysto arinka ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqa waa inuu soo iibsado Qaad. Qaadku wuxuu saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeena, Tusaale ahaan dalkeena waxaa maalin kasta lagu iibsadaa qaadka lacag aad u baaxad badan taaso aad arkayso habeenkii iyadoo laga uruuriyo meheradaha qaadka lagu iibiyo lacag aad u fara badan oo hadii si kale loogu fikiro adeegyada bulshada waxyaabo badan ka tari lahayd.

DHIBAATOOYINKA AKHLAAQIYEED EE QAADKA:

Diinteena suuban ee islaamku waxa ay markasta inagu dhiirigalisaa akhlaaqda teeda wanaagsan, sida uu ino sheegay Nabigeena suuban (SCW)ee uu yidhi ” WAXAA LAY SOO SAARAY SI AAN U DHAMAYSTIRO AKHLAAQDA TEEDA WANAAGSAN”. Hadaba akhlaaqdaas wanaagsan ee diinteenu ku dhisan tahay ayuu qaadku dhibaato aad u weyn soo gaadhsiiya, taaso aad ka dheehanayso dadka quuta qaadka inay hab-dhaqan aad u fool xun leeyihiin haday dhanka hadalka iyo ficilkaba tahay.

DHIBAATOOYINKA NADAAFADEED EE QAADKA:

Qaaadku wuxuu dhaxalsiiya qofka quuta inaanu ku dedaalin inuu ka shaqeeyo nadaafadiisa idilkeedba, haday tahay nadaafada jidhkiisa, dharkiisa, maskaxdiisa iyo afkiisaba. Sababta oo ah qofka quuta qaadku awoodiisa iyo miyirkiisaba waxa uu hadh iyo habeenba dedaal ugu jiraa sidii uu ku heli lahaa qaadkii uu quudan lahaa

DHIBAATOOYINKA QOYS EE QAADKA

Qaadku wuxuu sababa in uu khilaaf xoogan ka dhex dhasho dadka isqaba, khilaafkaas oo ka dhasha hab-dhaqanka aan wanaagsanayn ee quutaha qaadka, taaso keenta in uu saamayn weyn ku yeesho wanaag ku wada noolaanshaha labada qof. Inta badan wuxuu khilaafkaasi ka yimaada dhanka masaariifta reerka oo quutaha qaadku uu masaariiftii uu reerka siin lahaa ka doorbido inuu qaad ku iibsado. Dhanka kale qaadku wuxuu qoyska isqaba ku dhex abuura inanay labada qof isu dhamaystirin raaxadii ay xaqa isugu lahaayeen laba qof ee is qabaa. Sido kale qoyska uu masuul ka yahay qof quuta qaadka, waxaa lunta dhammaan masuuliyadii uu qofkaasi ku lahaa reerkiisa, waxaa dayacanta caruurtiisa waxaana waxaa dayac badan laga dareema qoyskiisa taaso uu ka kasbaday isticmaalka geedkaas maandooriyaha ah.

DHIBAATOOYINKA DEEGAAN EE QAADKA

Markasta oo uu bato isticmaalka qaadku waxaa sido kale bata dhibaatada uu ku keeno deegaanka. Quutayasha qaadku marka ay isticmaalayaan qaadka, qayb ka midana way isticmaalaan qaybna way ka tagaan, qaybta ay ka tagaana waxaa loo soo daadiya qashin ahaan. Hadaba waxaynu wada ognahay in qaadka ay ku jiraan maadooyin badan oo isugu jiraa qaar isaga naf ahaantiisa la dhashay iyo qaar lagu buufiyo xiliga koritaanka qaadka. Qaadkuna waa geed, geedkaasi marka uu mudo dul yaalo ciida waa uu baaba’aa waxaanu ka mid noqdaa ciida, maadooyinkii ku jirayna waxay ku hadhaan ciida, taaso ciida ku keenta inay wasakhowdo oo ciidaasi aanay kasoo bixin dhir waxtar u leh dadka iyo xoolahaba. Sido kale qaadku wuxuu waxyeeleeya bilicda Deegaanka, marka aad aragto tuulimaadyo badan oo qaad ah oo magaalada badhtankeeda tuulan habeenkii xiliyada dambe ayaad naxaysaa.WA BILLAHI TAWFIIQ QORAA FERSON JASEN OO KA DIRAARIYAY WARBIXIN DHANKA QAADKA

QAADKU DHIBAATO WAXA KUU HAYAA BULSHADA SOMALIYEED

Tani waa sheeko xiiso leh oo laga diyaariyay sheekada qaadka ama dadka cuna dhibaatada ay ku nool yihiin

👇

https://www.facebook.com/abdisamedgiirre/videos/686436816291788/?mibextid=Hn3EexMF1WhlYZLE

⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀⠀

Authors get paid when people like you upvote their post.
If you enjoyed what you read here, create your account today and start earning FREE STEEM!
Sort Order:  

image.png

Dhibaatada qaadku waa mid bulshada somaliyeed dhibaato wayn ku haysa

Congratulations, your post is upvoted by CCS curation trail from CCS - A community by witness @visionaer3003.

png_20230714_223610_0000.png

"Home is where your heart is !❤️."

cyxkEVqiiLy2ofdgrJNxeZC3WCHPBwR7MjUDzY4kBNr81LgoDfTovZFjKgw6zMQtAnAPjGMC8RWTcjJfJscBJfnwR4Gi8DzYa91VcGQiVQ6nybhCecG6tn97bGn4jfYjj26.png
Vote for @visionaer3003 as witness.