Assalamu Alaikum dhamaan bulshada steemit waxaan idiin rajaynayaa wax wanaagsan waxaanan filayaa inaad dhamaantiin aad wada fiican tihiin meelkaste ood caalama ka joogtaan Maanta waxaan xasuus qorkeena ku qoraynaa luqada somaliga ah taasi oo ah afkayga hooyo wadankayga somalia lagaga hadlo dalka hooyo Sidaa darteed maanta waxaan jeclaystay inaan xasuus qarkayga ku qoro luqada somaliga ah
Today we are writing our memoirs in the Somali language, which is mostly spoken in my motherland, Somalia
Maanta waa waa maalinkale oo wanaagsan waxaan maanta jecelahay inaan ka hadlo noloshayda gaarka ah
Aniga ahaan markii aan yaraa waxaan jeclaa dhabka waxbarshada iyo inaan barto technology waqtigaa may jirin fursadaha maanta horumariyay nolosha bani aadamka waxaana ka mid ahaa mobile casriga isgaadhsiinta taasi oo wadankayga somalia ku yarayd balso taas badalkeeda waxaan aaday waxbarshada taas oon markaste xiisayn jiray
Markii aan waxbarshada ku biiray dhibaatada kaliya ee ihaysatay waxa ay ahayd dhanka kharashaadka waxbarashada taasi oonan awood uyeelananyn inuu reerkayaku wada bixiyo
Sobobtoo ah aabahay waxa uu dhintay anigoo yar markaa hooyaday ayaa ila dadaali jirtay markaste alle khayr ha siiyee way igarabtaagnayd
Markii aan waxbarashada dhameeyay dugsiga hoose ee tuulada xuurey waxaa isuu suuro gashay inaan imaado magaalada borama halkaasi oon kasii wadan doono waxbarashadayda balse taas waan awoodi waayay dhanka dhaqaalaha kubaxaya waxbarshada balse halkaas ayaan kaga baxay waxbarashadaydii waxaanan go aan aaanku gaadhay inaan shaqaysto oon dhaqaale urursado
Waxaa igu kalifay inaan waxbarashadada ka boxo oo aan shaqaysto waxay ahayd waxaan awood buuxda uyeelan waayay dhanka kharashaadka waxbarashadayd
Waxaan go aan ku gaadhay inaan shaqaysto oon heer sare gaadho dhanka dhaqaalaha balse waxkastaa waa aduunyo oo meesha aad doonayso inaad gaadho waxay u baahantahay samir joogto ah riyadana waanka mira dhaliyay
Markaste garabka maanta iga maqan waa garabkii aabaha midaasna waxaa ii buuxisay hooyo macaan oon marnaba abaalkeeda waxa aanku gudo garanayn
Hadafkayga labaad oo ah inaan jecelahay inaan technology waxkabarto
Waxaan bilaabay inaan suuqa cryptocurrency aan waxka barto midaasna waxay igu qaadatay dadaal dheer oo aan ka leeyahay hadaf joogta ah
Ilaa maantana ma aanan niyad jabin oo midaas waanku raja waynahay oo waxaan dareemaa marka aan ku gudo jiro midaas farxad joogta ah iyo inay tahay tani riyadayda aanku riyoon jiray inay noloshayda wax ka badali doonto maalin maalmaha kamid ah sifooyinka guusha ayna ka mid tahay
Downvoting a post can decrease pending rewards and make it less visible. Common reasons:
Submit
Congratulations, your post is upvoted by CCS curation trail from CCS - A community by witness @visionaer3003.
Vote for @visionaer3003 as witness.
Downvoting a post can decrease pending rewards and make it less visible. Common reasons:
Submit