Maxay ku kala Duwan yihiin Hidde iyo Dhaqan?

in hive-128999 •  last year 

Maxay ku kala Duwan yihiin Hidde iyo Dhaqan?

DHAQAN:

Dhaqanku waa eray dalladeed ay ku hoos jiraan gebi ahaanba hab-nololeedka ay bulsho meel wada deggani leedahay. Hab-nololeedkaasi waxa ka mida ah, diinta, akhlaaqda, aqoonta, qiyamka, caadaadka, taqaaliidda, hu', hoy, fan iyo farshaxan, iwm.

Dhaqanku waa dhaynaamik, isla jeerkaasna kakan (complex) oo faraarihiisu ay isku hoos iyo kor jiraan. Sidoo kale, dhaqanku waa sida wabi iyo durdur soconaya oo aan fadhiyin. Taa macnaheedu waxa weeye, dhaqanku intaa waa is-baddelayaa, oo maalin wal ayuu isu-baddelayaa si muuqata iyo si il-ma-aragtay ba ah.

HIDDE

Maaddaama aynu nidhi dhaqanku waa sida wabi iyo durdur soconaya oo kale, waxa intaa ku soo biiraya dhaqamo cusub oo dool ah, oo innooga imaanaya dhaqamada innagu xeeran, oo hadba intaa bara-bixin ku samaynaya qaybo ka mid ah dhaqankii hore. Waxaa se jira hadhaa aan isagu wada dhaqmin oo qarniyo lasoo kala dhaxlayay. Hadhaaga ka hadhay dhaqammadaa hore, ayaa waxaa la yidhaahdaa hidde.

Hidduhu wuxu u qaybsamaa saddex nooc:

  1. Dhaqan hiddeed dhisme/hantiyeed (Cultural Property). Nooc dhaqan-hiddeedkan waxa ka mid ah dhismeyaasha, taallooyinka, qalcadaha, agabka, iyo walxaha kaydsan (archive materials).

  2. Dhaqan hiddeed aan la taaban karin (Intangible heritage). Nooc dhaqan-hiddeedkan, waxa ka mid ah dabarrada isku haya bulshada sida: xeerarka, caadooyinka, qiyamta, dareen-cabbirista iyo guud ahaan ba si araggooda iyo hab-nololeedkooda.

  3. Hiddo-dhaqameedka dabiiciga ah (Natural Heritage). Hiddo-dhaqameedka dabiiciga ahna waxa hoos imaanaya dhirta, xoolaha, buuraha, xeebaha, noolayaasha kala duwan (biodiversity) iyo gebi ahaanba bii'ada dabiiciga ah ee ay bulshadu leedahay.

Si kooban, hidduhu dhaqankuu ka mid yahay, laakiin maaddaama dhaqanku uu u qaybsamo qayb ay dhaqamo kale bara-bixiyeen iyo hadhaa dhaqamadaa hore ka hadhay, ayaa dhaqankaa inoo hadhay wuxu noqonayaa hiddaheenna.

Xigasho — Mubarak Hadi
Mubarakhadi.com
1686841969017.jpg

Authors get paid when people like you upvote their post.
If you enjoyed what you read here, create your account today and start earning FREE STEEM!
Sort Order:  

Hello @fersonjase

We appreciate you for sharing your article here but first you need to make a formal introduction of your self in the new comers community and get verified before you can further make post here..