Waxaa fiican inta aadan ku fikirin sida loo gaaro hadafka nolosha inaad fahanto maaraynta nolosha. Sabab? Sababtoo ah marka ad naftaada ka adag tahay waxaa suurto gal kuu noqonayaa wax walbaa oo aad ka leedahay nolosha. Dad badani waxay jecelyihiin in ay gaaraan meelo sare oo ay ku riyoonayaan laakin riyadoodu ma noqoto mid dhab ah.
Haddii aad hadaf leeedahay misana aadan gaari karin waxaa fiican inaad isweydiiso sababta aadan u gaari karin hadafka nolosha? Maxaa kaa hor taagan gaarida hadafka nolosha? Dadka gaaray hadafka nolosha maxay kaga duwan yihiin dadka kale? su’aalahaasi markaad jawaab u hesho ayaad gaari kartaa waxa aad ku riyooneyso.
Hadafka Nolosha: Baro Sida Loo Gaaro Guusha
Sida loo gaaro hadafka nolosha ma ahan wax adag markaad rabto inaad guul gaarto. Qofka raba inuu nolosha ka gaaro horumar ma jiraan wax ku adag mana jiraan wax ka hor istaagi karo. Waxaa u muuqdo kaliya hadafka noloshiisa. Si kastaa oo ay u adag tahay gaarida hadafka noloshiisa ma noqdo mid ka niyad-jebo.
Iska ilaali hamiga faraha badan
Inaad hami yeelato oo aad wax ku hamiso waa wax fiican laakin inaad toban waxyaabood aad isku waqti ku hamiso waxa ay kaa lumineysaa jihadaada. Waxaa kugu adkaaneyso inaad meel ku toosto oo aad ka sal gaarto. Sida darteed yeelo hal hami oo kaa go’an inaad marka hore gaarto, kadibna aad u gudubto hamiga kale.Qaado go’aan adag
Inaad go’aan adag qaadato kuuma suurto galineyso hadafka noloshaada oo kaliya ee sidoo kale waxa ay kaa dhigeysaa qof adag. Marka aad wax go’aansato waxaa fiican inaadan go’aankaada kalaba labeyn, kana laaban, qalad iyo sax. Maxaa yeelay waxaad baranaysaa waxa qaldan ama waxa saxsan kadib go’aankaasi.
Xusuusnnow oraahda Soomaalida ah ee oraneyso: Qof aan wax qaldin wax ma saxo. Marka aad aragto in aad wax qalad, meel ku calaameey si aadan qaladkaasi mar kale aadan u sameyn.
Qish: Halkaan waxaan ku diyaarinay qormooyin kale oo ku xiiso gelinayo
Sida loo helo farxada badan
Qormooyin ku saabsan rimaha guurka
Maqaalo ku saabsan arimaha jaceylka
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Waxyaabaha aad ka heli karto boggeena Cishqi
Ugu dambeys
Inaad hadafka noloshaada gaarto waxay u baahantahay dulqaad iyo degenaan, Inaad u dejiso qorosho adag, sababtoo ah qorshuhu wuxuu kuu noqonayaa hogaan. Sidaa darteed go’aan gaar maanta oo qaado hadaf iyo qorsho dhab ah oo Adiga kuu degsan.
Waxaan rajeyneynaa in qormadani ay wax badan noloshaada ka bedeli doonto insha Allah. Horumarkaaga waa farxadeena, waxaana kugu faani doono dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed ee aad ka dhalatay. Xusuunow in aan is caawino, is hormarino waxa ay inaga dhigeysaa, dad iyo dal sharaf leh.
Haddii aad ka heshay qormadani, fadlan la wadaag asxaabtaada, adigoo riixayo kaliya calaamadaha Social Mediyaha ee halkaan hoose kaaga muuqanayo.
Waad ku mahadsantahay taageeradaada!!!
You copied 100% of this post from this link. This is not a good job at all. Don't do that again.
Downvoting a post can decrease pending rewards and make it less visible. Common reasons:
Submit