Shimbir geed dul fadhida marnaba kama cabsato in laanta ay saaran tahay la jabto, sababtoo ah kalsoonideedu ma aha laanta balse waa baalasheeda. Had & jeer ku kalsoonow naftaada.
Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub.
Muhim Maaha inaad ka xanaaqdo wax dhabarkaaga laga yiri waayo hortaada lagama odhan karo.
Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo All
Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo Allah ka cabsi.
Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.
Noloshu waxay macno badan yeelataa marki aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku soo mareyn. Ka faa’iideyso fursad kasta.
Tartanka u dhaxeeya Libaax & Deero, marar badan waxaa guuleystay Deerada sababtoo ah Libaaxa wuxuu u ordayay oo keliya cunto, Deeraduna waxay u ordeysay Nolol. Xusuuso: Ujeedo (hadaf) ayaa aad uga muhiimsan Baahida. Ha noqon qof cunto keliya u orda
Ha isku mashquulin hana ka fekirin gefkii shalayto, waayo berri waa fursad kale oo aad ku sixi kartid intii shalay qabyada kaa ahayd.
Dalalka qaar naadiyada akhriska iyo dhalinyarada jecel dalaacashada kutubta aya isugu yimaadda munaasabado xus ah, tartanno akhriska ah, doodo buuggaagta la idhiidha iyo wacdiyo lagu dhiirrigelinayo wax akhriska.
Anigu waxa aan maanta ku xusayaa in aan idinla wadaago talooyinkan iyo xogtan akhrika la xidhiidha:
Akhrisku waxa uu xoojiyaa caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka, faa’iidooyinka cilmi ahaan la xaqiijiyey in laga helana waxaa ka mid ah:
Waxa uu dhisaa garaadka qofka.
Waxa uu kobciyaa dareenka iyo caadifadda qofka:
tusaale ahaan in maskaxdu ay awood sare u yeelato fahamka dareenka, qaab fikirka iyo aaminsanaanta dadka kale, waa arrinta uu cilminafsigu u yaqaanno “Theory of mind”
Waxa aanu xoojiyaa awoodda uu qofku u leeyahay xidhiidhka bulshada, ilaalinta iyo buuxinta kaalinta uu ka qaadanayo xidhiidhada bulsho.
https://steemit.com/trending/hive-145281
Akhrisku Afka ayaa uu hodan ka dhigaa:
Qofka akhriska badan ama da’ yaraan akhriska ku bilaabaa waxa uu hodan ku noqdaa ereyo, hal-ku-dhegyo, hal-qabsiyo, qaab dhismeedyo hadal iyo hannaanka cabbiraadda afkaarta, taas oo aan ku koobnayn afka uu wax ku akhriyo, balse ula guurta xitaa afka kale ee uu ku hadlayo
From #steemithealth
Hello dear, @fersonjase.
Thanks for your post. But, you have to verify yourself from the Newcomers community first. Then, you can proceed to other communities.
Greetings.
Downvoting a post can decrease pending rewards and make it less visible. Common reasons:
Submit