Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Guuleed Muuse Galaal ayaa xafiiskiisa kulan kulayeeshay guddi farsamo oo ka kala socda Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Wasaarada Horumarinta Caafimaadka guddidan farsamo oo hore loogu magacaabay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen Caymiska Caafimaadka.
Kulanka ayaa ujeed kiisu ahaa sidii ay isku baran lahaayeen guddiyadda labada dhinac ee Hay’adda iyo Wasaaradu. Intaa ka dib Gudoomiyaha ayaa warbix kooban ka siiyey gudidayada labada dhan heerka uu marayo caymiska dalku iyo qaybaha u baahan in laga wada shaqeeyo waxa kale oo uu ka warbixiyey in caymiskii shaqaalaha dawlada isna la diyaarinayo iskana kaashanayaan Hay’adda
caymiska qaranka iyo Hay’adda shaqaalaha dawladu wuxuun kula dardaarmay inay dadaalka sii Libin laabaan.
Dhanka kale xubnaha gudida wasaarada horumarinta caafimaadka ayaa soo dhaweeyey wada shaqaynta iyo in danta qaranka meel looga soo wada jeesto lagana shaqeeyo wixii umada u dan ah, waxaanay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan guddi ahaan iyo wasaarad ahaan ba.