SIDEED KU JOOJIN KARTAA CIRID-DHIIGGA SOO NOQNOQDA?
Cirid-dhiiggu waa xaalad caafimaad darro oo lasoo darista ciridka .
Sababta ugu weyn waxa ka mid ah :-
- Sigaar cabidda.
- Nadaafad darada afka.
- Da'da qofka oo weynaata.
- Nafaqo-darro hadii uu qofka uu hooseeyo VITAMIN C gu waa calaamadaha ugu waaweyn ee lagu arko qofka uu ka hooseeyo.
Cirid dhiiggu badanaa waxa uu ka bilaabmaa cunto ururtay oo ku dhegtay iliga halka ugu hoosaysa.
SIDEE AYAAD ULA TACAALI KARTA CIRID-DHIIGGA.
Nadaafadda afka ilaali ,waxa laga yaabaa in cirid dhiiga ay sababayaan nadaafadd darro.
Isticmaal brush kugu haboon ,oo aan waxyeelayn ciridka.
Isticmaal jeermis dilaha lagu luqluqdo .
Isticmaal fiitamiin sida vitamin c , vitamin B oo u fiican afka .
Isticmaal biyo diiran oo milix-leh.
Isticmaal daawada lagu cadaydo ee paradantox laba jeer maalintii.
Ka fogow sigaar cabista.
Hadii aad kasoo rayn waydid cirid dhiigga waxa muhiim ah in aad la tashatid dhakhtarka afka .
mahadsanid.