#Sawiro #badacas24tv #news #Hargeysa
Maalintii Sedexaad Iyo Hawl Galkii Dooxa Biji
Somalia πΈπ΄ πΈπ΄ πΈπ΄ πΈπ΄ πΈπ΄ πΈπ΄ πΈπ΄ πΈπ΄
Waftigii UU Hogaaminaayey Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Maxamed axmed Caalin ( Tiimbaro. )
Ayaa Maalintii Sedexaad Hawl Galo Isdaba Joog ah Ka Fulinaaya Dooxa Biji iyo dhul Daaqsimeedka ku xeeran
Masuuliyiintii UU Madaxweyne Biixi usoo Diray Soo afgarida Colaadii Ka Aloosney Beeraha Dooxa BIJI ooy ka Mid Ahaayeen
Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka maroodi-Jeex
Mudane Khadar Baaruud Cumer
Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Gabiley
Mudane Cali Cabdi C/laahi ( Cali Case )
Maayirka Golaha Deegaanka degmada lughaya,
Muddane Cabdilaahi cali Aw Nuur
Maayir Ku Xigeenka degmada lughaya.
Muddane Maxamed Barre Ibrahim
Hogaanka hawlgalinta Ciidanka Booliska Gobolka Awdal.
Amiin Maxamed Cabdi
Taliyaha saldhiga 1aad ee ciidanka Qaranka, General Yuusuf iiman Diiriye
Iyo Guddoomiyaha Tvga Baddacas24tv
Muddane C/rashiid Muxumed Daahir ( Caateeye )
Kana mid Ah Xildhibaanada Keydka Xisbiga Kulmiye Ee Golaha Wakiilada Gobolka Awdal
Masuuliyiinta UU Hogaaminaayay Badhasaabka Gobolka Awdal
Waxay Hawl Galo Fulin Ah Ka Bilaabeen Goobihii Dhul Daaqsimeedka Ahaa Eey Bulshada Deegaamadani Ka Cabanayeen
Waxaanay Masuuliyiintani Dhulka La Simeen Ceelal iyo Guryo Jiingado Ah oo Laga Dhisey Dhulkii Xoolo Daaqeenka Ahaa Ee ( Wadhka Taarane iyo Duleedka Tuulada ceela heley
Badhasaabadu Waxay Amar ku bixiyeen in La Baabiinaayo Dhamaan Ceelasha iyo Beeraha Laga Sameeyey Dooxa Biji
Hawl Galkan Dadkii Loogu Tagey Goobahaasina Dhamaantood Waxaa Gacanta Ku Dhigey Ciidanka Booliska Somaliland Ee Gobolka Awdal
Gabagabadii Waxay Badhasaabadu Sheegeen in Hawlgaladani Sii Socon Doonaan Ilaa intay Dhameystirayaan oo Aanay Ka Tagi Doonin Intay Hal Beer Iyo Ceel Ka Jiraan deegaamadaasi
Dhanka Kale Guddoomiyaha Gobolka Awdal Ooy Warbaahinta Baddacas24tv u Cadeeyey in Hawlgalkani Aanu Cid Gaar ah Ku Jiheysneyn
Una Sinaan Doonaan Dhamaan Dadkii Ku Muransanaa Beerashada Dooxa BIJI
Wa Bilaahi Tawfiiq
Baddacas24tv Waa Wehelka Waxaad Tabeyso Fadlan Nagu Xidhnow oo Nagu Soo Biir Mahadsanid