Hargaysa-June-06-2023- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiskeeda Xakamaynta xanuunka Duumadda ayaa soo qaban qaabiyay shirkii bilaha ahaa ee Xakamaynta duumadda

in hive-182861 •  2 years ago 

Hargaysa-June-06-2023- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiskeeda Xakamaynta xanuunka Duumadda ayaa soo qaban qaabiyay shirkii bilaha ahaa ee Xakamaynta duumadda

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-gelay qaar ka mid ah Haayaddaha dawliga ah ee ay khusayso Xakamaynta xanuunka Duumadu, Haayaddaha Maxalliga ah iyo sidoo kale Haayaddaha Caalamiga ah ee Wasaaradda kala shaqeeya Xakamaynta xanuunka duumada.

Shirkan oo ah mid Si joogto ah bil walba loo qabto ayaa lagaga arinsadaa dibna loogu eegaa wax qabadkii bishii u dambaysay iyo qorshaha bisha soo socota sidii si wada jir ah loogu geli lahaa wax ka qabashadda iyo xakamaynta Xanuunka duumada iyo Xanuunadda ay kaneecadu keento.

Shirkan markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa laysla qaatay in la joogteeyo korna loo qaado Wacyigelinta Bulshadda ee ku aadan Xakamaynta iyo ka hortaga Xanuunada duumada iyo Xanuunadda ay kaneecadu keento, in lasii Dardargeliyo Shirarka noocan oo kale ah ee lagaga arinsanayo Wax ka qabashada Iyo Xakamaynta Cudurka Duumada iyo Xanuunadda ay kaneecadu keento.
1686096683627.jpg

1686096678457.jpg

1686096675493.jpg

1686096672819.jpg

1686096670112.jpg

1686096666676.jpg

Authors get paid when people like you upvote their post.
If you enjoyed what you read here, create your account today and start earning FREE STEEM!