Shaqaalihii Wasaaradda Warfaafinta ee ka shaqeynaayay Livekii Ciyaaraha Horyaalka Horyaallada Somaliland ee Berbera ka qabsoomey ayaa ka cabanaya in illaa hadda wax lacag ah lagu siin shaqadii ay kasoo qabteen Ciyaarahaasi, iyagoo xittaa yidhi Mahadsanid nalama odhan.
Mid ka mid ah shaqaalahaasi ayaa sawirkiisan iyo qoraalkanba soo dhigey bartiisa Facebook ee akhriso;
“Sawirkan aad arkaysaan waa xiligii ciyaaruhu ka socdeen berbera. Mudo 20 casho ahaa oo aan kusugnaa waxaan ka mid ahaa ragii sida liveka ah usoo gudbinayey muuqaalada ciyaaraha.
Taasoo ahayd shaqadii aan qaranka uhayey.
Laakin bal uyar fiirso sawirka waxaa ka muuqda in milicdu ay igu dhacayso iyo boodhkuba , iyadoo waxaasoo dhiba aanu haynay ee kulaylka qoraxda iyo boodhka . Ayaan hadana cidi noo ogayn. Aniga iyo intii ila shaqaynaysay. Ee sidaydoo kale ahaa. Walaahay inaan xitaa midh biyaa naloo dhiibin , Nimankayagii sidaa ushaqaynayey , Waad mahad santihiin xitaa cidi nagumay odhan wasiir walaa agaasime.
Shaqadii aanu haynay ayay ku faanayeen oo ay lahaayeen waxaanu qabanay live , maalintii cup-ku dhamaaday ayuu agaasimaha iyo wasiirku xigeenku yimaadeen , Xitaa waad mahad santihiin namay odhan , tvyda kale ee Anu linkga siinaynay madaxdooda ayaa dul-taagnayd oo waxkastaba la siinaysay.
Anagana iskada waxay nasiiyaane mahad Sanidin bay na odhan waayeen , Iminka iyo haatana xiligaa xaqayagii aanu ku lahayn kama hayno , Waxaa Naga mid ahaa rag caruur iyo hooyadood ka yimi oo aan meel kale wax ka sugayn .
Markii ay islahaayeen waataa shaqadii idinka dhamaatay oo Waxaa shaqaysateen baa laydin siinayaa reerihina wax baad kula noqonaysaan , Ayaa agaasimihii guud intuu nala balamay halkaanu islahayn waxiinii buu idin sinayaa ayuu noo soo diray darawalkiisii oo ku yidhi hudheel gee nimanka oo hargaysa ubaxa ku dheh , Waanu layaabnay markuu sidaa nagu yidhi inanki uu noo soo diray ayaanu anaguna ku nidhi qadadiisana hayka haysto .
Hargaysa markaanu nimina Maalinkasta waa nala meermeerinayaa , Agaasimaha tvga markaanu lahadalana agaasimhii guud baa inoo maqan buu leeyahay , Ka guudna xaalkaygu waa bari tu bari.
Agaasimaha guud iyo wasiirka iyaga ayaa ka masuula shaqaala kasta oo ka tirsan wasaarada , Iyagaana xaqooda lawaydiinayaa maalinta qiyaamE , Anigu waxaygii ilaahaybaa isiin maalin aan maata ahayn. Fariintana iga gaadhsiiya Madaxwaynaha Qaranka “.
Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Eng Khuum oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada warfaafinta somaliland" Eng. KHUUM