Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Saaka Si Rasmiya Ubilawday Inay Diiwangaliso Hantida Maguurtadda Ee Dhammaan Dawladdaha Hoose ee Dalka.
Hargeisa Wasaaradda Hawlaha Guud” Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Saaka Kala Diray Hawlwadeenadda Soo Diiwangalin Doona Hantida Maguurtadda Ee Dawladdaha Hoose ee Dalka.
Diwaan galintan oo ka bilaabmatay qaar ka mida Goboladda Dalka ayaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf shaqaalaha ka shaqaynaya Diwaangalinta kula dardaarmay inay dhamaan Diwaan galiyaan Hantida Maguurtada ah ee ay Maamulaan Dawladaha Hoose ee Dalku.
Madaxa Hantida Maguurtadda ah Ee Wasaaradda Hawlaha Guud C/raxmaan Xariir Baaruud ayaa sheegay in dhamaan la diwaan galin Doono Hantida Maguurtada ah Ee Dawladdaha Hoose ee Dalka.
Sidoo kale Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa ka codsaday Madaxda Goboladaas ay ka bilaabmayso Diwaangalinta Hantida Maguurtada ah ee Dawladaha Hoose ay si wanaagsan ula shaqeeyaan hawl wadeenada ka shaqaynaya Diiwaangalinta oo laga bilaabi doono Gobolada kala ah Awdal, Maroodijeex, Saaxil, iyo Togdheer, madashan lagu kala dirayey Hawlwadeenadda soo Diiwangalin doona Hantida Maguurtadda ee Dawladdaha Hoose ee Dalka waxa goobjoog ka ahaa Agaasimayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud ee kala ah, Maamulka Iyo Lacagta, Agaasimaha Waaxda Guryaha Iyo Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha iyo agaasime ku xigeeno.