Madaxweynaha somaliland oo kormeer shaqo qabanaya (somali steemit)

in hive-197734 •  last year 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey mashaariic Xukuumaddu ka hirgelisay Gobolka Daad-madheedh.
1686793183081.jpg
Oodweyne-16-09-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku tegay gobolka Daad-madheed, ayaa maanta kormeer ku sameeyey Dhaam-biyood weyn oo xukuumaddu ka waddo duleedka magaalada Oodweyne, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhisme cusub oo ay wasaaradda xannaanadda Xooluhu leedahay oo gudaha magaalada Oodweyne laga hirgeliyey.

Ugu horrayn, madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno katirsan weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeer iyo indho indhayn ku sameeyey Dhaam-biyoodka weyn ee duleedka Oodweyne xukuumaddu ka waddo, kaas oo la filayo inuu wax weyn ka taro biyo yaraanta ka taagan magaalada Oodweyne.

Madaxweynaha, ayaa warbixin la xidhiidha halka hawsha Dhaamku marayso ka dhegaystay wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Biyaha, Mudane Xasan Cali Maxamed (Cali-marreexaan) iyo Xannaanada Xoolaha, Mudane Siciid Sulub Maxamed, kuwaas oo ku dheeraaday baaxadda hawsha socoto iyo dedaalku qaran ee loogu jiro sidii bulshada reer Oodweyne u heli lahayd Biyo ay cabbaan.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhisme cusub oo loo bineeyey wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, taas oo miisaaniyadda qaranka laga maalgeliyey, islamarkaana qayb ka ah waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddu ka waddo gobolka Daad-madheedh. .

Wa-Bilaahi Tawfiiq

1686793179292.jpg

1686793173713.jpg

1686793170926.jpg

Authors get paid when people like you upvote their post.
If you enjoyed what you read here, create your account today and start earning FREE STEEM!